Sida ay heshay Idaacadda Cadaado waxaa sii xoogeysanaya dagaalka u dhaxeeya Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Maleeshiyo daacad u ah Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur kaas oo ka socda meel duleedka ah degmada Xudur ee Xarunta Gobalka Bakool.
Dagaalka ayaa socda wax ka badan afar saacadood oo xariir ah waxaana la isku adeegsanayaa hub culus iyo mid fudud sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.
Tuulooyin u dhow dhow degmada Xudur ayaa la soo sheegayaa in laga maqlayo rasaasta la isu adeegsanayo dagaalka waxa uuna ka socda Inta u dhaxeysa Abal iyo Xudur.
Dagaalameyaal fara badan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa hareereeyay deegaanka uu ku sugan yahay Abuu Mansuur, iyagoo dhowr jiho ka weeraray.
Al-Shabaab ayaa ka hor inta aysan weerarin Abuu mansuur jaray, jidadkii gurmadka ugu imaan lahaa ama uu ku baxsan lahaa, waxaana isku daygooda uu yahay in la qabto ama la dilo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka lagu qaaday Al-Shabaab ay hoggaaminayaan Saraakiil sar sare oo ku heyb ah Abuu mansuur, waxaana ka mid ah Guddoomiyaha Shabaab u qaabilsan Gobolada Bay iyo Bakool Macalin Geedow iyo Sheekh Xasan Yacquub oo ah Guddoomiyaha Shabaab ee Gobolka Galgaduud.