Inta la xaqiijiyay 8 ruux oo ka kooban laba qoys ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Qardho ee Puntland kadib markii ay ku sumoobeen caano ay cabeen sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirka Isbitaalka Qardho.
Dadka sumoobay waxa ku jira carruur yar yar kuwaasi oo midkood uu markii dambe geeriyooday.
Dhaqaatiirka waxa ay sheegeen in dadkaasi Xaaladooda Caafimaad ay la tacalayaan, islamarkaana aysan faahfaahin ka bixin Sababta keentay in dadkaan Caanaha laga raaco.
Dhaqaatiirka ayaa sheegay in Lix ka mid ah dadka Xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay,islamarkaana ay soo bogsanayaan.