Kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay in ay ka baaraandagayso in ay fuliso weerar gantaalo ah oo ay ku qaado jasiirada Guam oo Maraykankan ka tirsan.
Warkan ayaa laga baahiyay warbaahinta dowlada Kuuriyada waqooyi oo soo xiganaysa bayaan ay soo saareen militariga dalkaasi.
Hanjabaadan Kuuriyada waqooyi ayaa ku soo beegmaysa saacado uun ka dib markii madaxwaayne Donald Trump uu si caro leh ugu hanjabay Kuuriyada waqooyi oo uu sheegay in ay la kulmi doonto dab uusan waligii mid la mid ah caalamka arkin .
Wakaalada wararka ee Kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay in dowlada Kuuriyada wuqooyi ay ka baaraandagayso in ay gantaalada riddada dhexe iyo kuwa riddada dheer ay ku ganto Guam oo jasiirad saldhig u ah ciidamada cirka Maraykanka.
Hadaladan ay iswaydarsadeen labada dal ayaa ah mid sii cirka ku sii shareeraysa xiisada u dhaxaysa.
Qaramada midoobe ayaa dhawaan sii kordhisay cunaqabataynta dhaqaale ee Kuuriya wuqooyi.