Dhageyso:-Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed oo Maanta Shir u furmayo

0
495

Maanta oo Talkaado ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uu ka furmo shir u dhaxeeya Madax ka socota Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.

Shirkaan oo ay ka qeyb-geli doonaan Madaxweynayaasha labada Maamul iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Qosheynta Koonfur Galbeed & Midowga Yurub.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed Axmed Madoobe Nuunoow ayaa sheegay in shirka diirada lagu saari doono horumarinta Maamulada Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed,isla markaana Shirka ay kaalin weyn ka qaadan doonaan Safiiro ka socda wadamada Midowga Yurub.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale inay shirka looga hadli doono sidii labada Maamul ay isaga kaashan lahaayeen mashruuc uu bixinayo Midowga Yurub,kas oo ku saabsan kobcinta,dhaqaalaha iyo horumarinta labada dowlad goboleed.

Shirkaan oo hal maalin soocn doona ayaa qabsoomidii waxaa ay labada Maamul go’aamiyeen dhawaan markii Madaxweynaah hir-Shabeelle uu tegay Baydhabo,isaga oo halkaasi uga qeyb galay munaasadii loogu8 dabaal degayay sanad-guuradii koowaad ee markii la doortey Madaxweyne laftagareen.