Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ah ee 2020 oo la ansixiyay

0
560

Xildhibaanada Labadda Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow cod ku  ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2020.

188 Xildhibaan ayaa ogolaaday, 1 Xildhibaan ka aamusay,  2 Mudane ayaa diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2020.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Miisaaniyadda dowladda ay ansax tahay, islamarkaana waxaa uu u mahadceliyay Xildhibaanada labadda Aqal.