Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo isaga baxay deegaanka Leego

0
643

Wararka  ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidmada Uganda ee AMISOM ka tirsan iyo kuwa dowladda Somalia ay isaga baxeen saldhig  muhiim ah oo ku yaala degaanka Leego.

Ciidamadan oo muddo dheer degenaa ayaa la sheegay in xalay ay faarujiyeen saldhiga iyadoo xaalada deegaanka Leego ay haatan degen tahay.

Guddoomiyaha deegaanka Leego Abuukar Isaaq Alcadaala ayaa sheegay in ciidamadan lagu bedeli doono ciidamo Ethiopian ah oo ka tirsan AMISOM balse aysan weli soo gaarin saldhigaas.

Waxaa soo wajahday dadka ku nool deegaanka Leego cabsi la xiriirta in ay dagaalyahanada Alshabaab soo galaan halkaa oo haatan aysan joogin wax ciidamo ah.

Deegaanka Leego oo ka xiga magaalada Muqdisho 120km ayaa Laba sano ka hor, maleeshiyada al-Shabaab waxa ay weerareen xaradaasi weeraray, halkaasina ku dilay ciidamo Burundi u dhashay oo xeradaasi hore u daganaa.