RW Kheyre oo kulan deg deg ah isugu yeeray laamaha Amniga Dhuusamareeb

0
475

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  oo ku sugan Magaalada ee Caasimadda Galmudug ayaa caawa shir deg deg ah isugu yeeray saraakiisha laamaha ammaanka ee Magaaladaas.

Kulankaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu saraakiisha Ciidamada wax ka weeydiin doonaa cida ka dambeysay Masuuliyada dagaalka caawa ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.

Saddex Ruux oo kala ah laba Askari iyo haweeney Shacab ah ayaa ku  dhaawacmay israsaaseyn Caawa Xarunta inji ee Magalada Dhuusamareeb ilaalada hoggaanka Ahlsunna iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda.