Madasha Xisbiyada Qaran oo yeeshay kulan xasaasi ah

0
458

Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir deg deg ahaa  ku yeeshay magaalada Muqdisho,waxaana kaga tashadeen sidii loo garab istaagi lahaa dadka Soomaaliyeed ee wax ku noqday qaraxii Maalin ka hor ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Madasha ayaa waxaa ay ka hadleen sidii taageerayaasha Xisbiyada ku mideysan Madasha iyo Umadda Soomaaliyeed loogu abaabuli lahaa inay doorkooda qaataan sugida amniga iyo la xisaabtanka Dowladda Federaalka.

Shirkan oo uu guddoomiyay Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sh. Shariif Sheekh Ahmed waxaa ka qayb galay Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kalena qodobada looga hadlay waxaa kamid ah aragti ku biiriita sharciga doorashooyinka Qaran oo dhawaan golaha Shacabka uu ansixiyay, loona gudbiyay Aqalka sare.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa dhaliilsan qodobada qaar eek u jira Sharciga oo uu kamid yahay qodob ay sheegeen in madaxda Dowladda ay muddada ku koror sanayaan.