Booliska Somaliland oo soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriya

0
486

Taliska Ciidanka Magaalada Hargeysa  ayaa soo bandhigay Khamri, Xashiish, toorayo iyo agab kale oo ay adeegsadaan dhalinyarada kooxaha u abaabulan ee dhaca iyo furashada ka gaysta gudaha  magaalada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Hargeysa ayaa sheegay in hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha Hargeysa ay ku soo qabteen dhalinyaro kooxo u abaabulan oo dhibaato dhac iyo furasho u gaysta dadka shacab ah, kuwaasi oo inta badan adeegsada maandooriyaal halis ah sida khamriga iyo Xashiishka.

Waxa ay sidoo kale sheegeen Saraakiisha Ciidanka Maandoriyaashan dhalinyaro keliya lagu soo qaban, balse  waxa jira dad kale ka ganacsada khamriga iyo xashiishka iyo qaar isticmaala oo si dhuumasho ah gudaha magaalada ku soo geliya.