Dagaal culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

0
447

Faah faahino dheerad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo geystay khasaaro kala duwan oo xalay deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan ku dhex-marey Ciidamada Kooxda Macaawiisley iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeysay,kadib markii sida la sheegay Xubno kamid ah Kooxda Macaawisley ay weerar ku qaadeen Xaruno ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Ceel-Cali,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan laba saacadood halkaasi ka socday.

Dadka deegaanka qaarkood oo diidey in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Al-Shabaab iyo Kooxda macawiisleeyda.

Guddoomiyaha deegaanka Ceel-Cali ee Gobolka Hiiraan Aadan Cali Seedow ayaa sheegay in dagaalkaas uu jiro,isla markaana uu ka dhashay khasaaro soo kala gaarey labada dhinac,balse ay dib ka soo sheegi doonaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka Ceel-Cali ee lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayana in Ciidamada Kooxda macawiisleyda ay dib uga soo laabteen deegaanka ay weerarka ku qaadeen ee Ceel-Cali.