Madaxweyne Deni oo ku baaqay Midnimo ka dib Qaraxii Muqdisho

0
470

Maamulka Puntland ayaa war kasoo saaray Qaraxii dadka badan ku dhinteen ee maanta ka dhacay Muqdisho.

“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Geleyaasha Dowladda Puntland wuxuu u tacsiyeynayaa shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladu saaka kasoo gaartey qaraxii Muqdisho ka dhacay, kaas oo uu cadawga ummada Soomaaliyeed ku xasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana uu Alle uga baryey Madaxweynuhu inuu u naxariisto shacabkii halkaasi ku nafwaayey oo u badnaa arday iyo xoogsato la Daalaa-dhacaayey noloshooda, una booga-dhayo intii ku dhaawacantay falkaasi wuxuushnimada ah” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland.

Warka ayaa waxaa uu intaasi kusii daray “Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa uu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah in si wada jira loogu istaago sidii cadowga ummada Soomaaliyeed ee argagixisada ah meel looga soo wada-jeesan lahaa, loogana hor tegi lahaa dhagarta ay mar waliba u maleegayaan dadka rayid ka ah”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in ay la qayb sanayaan murugada iyo tiiraanyada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxaasi ee aan waxba galabsan, isla’markaana Madaxweynuhu waxaa uu markale Allaah uga baryey intii ku dhimatay inuu Janadii fardowso ka waraabiyo, intii ku dhaawacantayna u booga-dhayo caafimaad deg degana siiyo Aamiin Aamiin.