Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa tegay Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye, halkaas oo saakay uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ahaa. Guddoomiye Cumar Finish ayaa faah-faahiyay qaraxa ka dhacay Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye ee Muqdisho, waxaana uu sheegay in qaraxaas loo adeegsaday gaari nooca xamuulka qaada oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana uu geystay Khasaaro aad u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka aya sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan Arday badan oo u socday goobo waxbarasho oo ay qaarkood ku jiraan Arday dhiganeysay Jaamacada Banaadir iyo Iskuulo kale, isagoona ka tacsiyadeeyay. Khasaaraha dhaawacyada ee ka dhashay qaraxa Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye ayuu Guddoomiye Cumar Finish ku sheegay inay gaareyso ilaa iyo 90 ruux, kuwaasi oo la geeyay Xarumaha Caafimaad eek u yaalla Muqdisho.

0
489

 

Waxaa kaloo uu tilmaamay in tirada dhimashada ay aad u badan tahay oo weli si rasmi ah aan loo xaqiijin, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay gaartay 18 qof oo ay ku jiraan 4 Nin oo Ajaanib ah, isla markaana halkaas ku sugnaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u mahadceliyay Ciidanka amniga ay ka hortegeen qaraxii Al-shabaaba ay soo gelin jireen Magaalada, isla markaana lagu baabi’in jiray dadka shacabka iyo Mas’uuliyiinta dowladda

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada  qaraxaas saakay lagu le’day ee ka dhashay Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, waxaana goobta ka muuqda burbur xoogan oo soo gaaray dhismayaashii halkaas ku yaallay.