Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Xoogan oo laga maqlay deegaanka Hargeysa Yarey oo katirsan Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.
Saraakiil katirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa Radio Cadaado u sheegay in Jug xoogan mar qura laga maqlay Goob lagu farsameeyo Qaraxyada oo ay joogeen ugu yaraan 11 ruux oo katirsan Qubarada dhanka Qaraxyada u farsameeya Xulufada Alqaacidda ee Soomaaliya.
Sido kale wuxuu sheegay Sarkaalka Qaraxa inuu dhacay kadib markiii wax ka qaldameen Saraakiisha dhanka Qaraxyada u qaabilsan Al Shabaab.
Wuxuu sheegay in halkaasi ay ku dhinteen 8 ruux oo kamid ah farsamo yaqaanadii ku howlanaa Sameyta miinooyinkaasi, halka ay dhaawacyo kasoo gaareen 7 qof lagu kala sheegey 4 qof xoolo dhaqato rayid ah iyo 3 oo kamid ahaa 11 macalin oo 8 kamid ah halkaa gu geeriyoodey.
Ugu dambeyn Sarkaalkaasi oo ka gaabsaday in magaciisa loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa sheegay in dadka ku dhaawacmay Qaraxaasi loo qaaday dhanka Magaalada Jilib oo kamid ah degmooyinka Sanadaha badan ay maamulaan Al Shabaab.
Wali wax war ah kama soo bixin Al Shabaab mana jirto cid Madaxbanaan Laamaha Amaanka dowladda oo Xaqiijin karta Jugta la sheegay iyo Khasaaraha kasoo gaaray Xubnihii Al Shabaab ee halkaasi Joogay.