Khilaaf ka taagan Xildhibaannada Ahlusunna laga siiyey Galmudug

0
460

Waxaa haatan uu khilaaf ka taagan yahay 20 Xildhibaan oo Ahlusunna Wal-Jamaaca laga siiyey Baarlamaanka Cusub ee Dowlad goboleedka Galmudug, iyada oo Odayaal iyo Waxgarad ay kasoo horjeesteen.

Cabdullaahi Macalin Cali oo kamid ah dadka deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin raalina ka noqoneyn Xildhibaannada Ahlusunna laga siiyey Baarlamaanka Galmudug.

Wareysi uu siiyey Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in marnaba aysan qeyb ka noqoneyn dhismaha Galmudug,Ururka Ahlusunna uu in ka badan 70 Ruux uu ku diley deegaanka Xeraale,isla markaana ay aqbaleyn in Xildhibaannada deegaankooda loo xil saaro Urur Gaar ah.