Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in askari ka tirsan Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle uu Nin Ganacsade ahaa u diley Shan Kun oo Shilin Soomaali ah.
Dilka Ninka ayaa yimid,kadib markii Askariga uu weeydiistay in uu bixiyo lacagta Ninka oo Suuqa Jowhar ku iibinayey Mallaay,hayeeshee uu sheegay in uu hadda heyn balse xabad uu ku dhuftay,sida uu sheegay qof kamid ah dadka Magaalada Jowhar.
“Isii 5 kun Sh. Somali ah Wallow ma haayo ilaa aan ka gadanayo mallaayga aan soo qaatay isug may madaxa ayuu uga dhuftay xabad Shan kun darteed ayuu u dilay askarigiina wuu bxasaday, waxaana ka codsanayaa laamaha amniga in sharciga la horkeeno dilaaga si xaqdarada ah ku dilay maskiinkaan ayuu yiri” qof kamid ah dadka Jowhar.
Intasi kadib Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka bilaawday banaanbax looga soo horjeeda dilka askariga uu u geystay ninka Ganacsadaha ahaa,waxaana banaanbaxa uu saameyn ku yeeshay isku socodka Ganacsiga iyo Gaadiidka ee Magaalada Jowhar.