Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiiradda Soomaaliya?

0
456

Golaha wasiirrada ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen siyaasadda dalxiiska dalka oo ay xukuumadda usoo gudbisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

Ansixinta siyaasadda kadib, ayaa Shirka golaha oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa sidoo kale looga hadlay horumarka laga sameeyay sugidda amniga, dhammeystika dastuurka iyo barnaamijka deyn cafinta.

Wasaaradda aminaga oo golaha u soo bandhigtay warbixin amni oo faahfaahsan ayaa caddeysay in tallaabooyin isku xiran oo sanadkan la qaaday ay horseedeen natiijooyin wanaagsan.

Wasaaradda arrimaha Dastuurka XFS oo golaha la wadaagtay qorshaha qabyo tirka dastuurka ayaa soo bandhigtay qeybaha uga harsan soo dhameystirka dastuurka iyo caqabadaha ka hor gudban, waxa ayna wasaaraddu rajo wanaagsan ka muujisay soo gebagebeynta shaqada Qabyo-tirka dastuurka.