Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in bilihii u dambeysay Puntland ay xooga saareysay tayenta Ciidamada kala duwan si ay u fuliyaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo,hayeeshee ay jiraan dad si kale u mucaaradayo
Waxaa uu sheegay in qorshaha dib u habeynta Ciidamada uu inta badan hirgalay,isla markaana Ciidamada ay u diyaarsan yihiin inay ka qeyb qaataan sugida Amniga iyo guud ahaan howlaha kale ee looga baahan yahay.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in dad badan ay ku mucaaradayaan in Xukuumadda Puntland aysan biixn mushaaraadka Ciidamada,hayeeshee Ciidamada kala duwan ay si joogta ah u helaan mushaarkooda.
Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu sheegay xilli uu shalay booqday Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.