Ciidamada Dowladda Somalia oo howlgal qorsheysan fuliyey

0
499

Ciidamada Xoogga dalka qeybta 43aad ee deegaanada Jubaland ayaa labaddii maalmood ee la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka waday deegaanada u dhexeeya Degmooyinka Kismaayo iyo Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgaladan ayaa waxaa ay Ciidamadu ka saameeyeen deegaanada, Muuse Xaaji, Araare iyo Kaban oo dhamaantood ka tirsan gobolka Jubbada Hosoe,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Korneyl Maxamed Badal Xasan oo ka mida saraakiisha howlgalkaan huggaamineysa ayaa sheegay in howlgalkaan uu ka dambeeyey,kadib markii Ciidamada ay ka warheleen qorshe Al-Shabaab ay ku doonayeen in ay ku jabiyaan Kar karada webiga Jubba si uu ugu fataho una soo weeraraan Ciidamada.

Howl galkaan intii uu socday ayuu sheegay in ciidamada ay u suurta gashay in ay soo saaraan, tiro miinooyin ah oo ay hareeraha wadooyinka ku aaseen Al-shabaab,sidoo kalena howlgalku sii socondoono in deegaanada Jubooyinka laga saarayo Al-Shabaab.