Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Somalia

0
502

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Xisbiga UDP  Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan waday kulamo kala duwan ayaa Maanta Magalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatey Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Kulanka oo ay ku wehlinayeen Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda oo ka tirsan Xisbigiisa ayaa ka dhacay Gudaha Xarunta Safaarada Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho ee Xalane,waxana Amb. Donald Yamamoto ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.

Kulankooda ayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimo la xiriira Siyaasada Soomaaliya, sida Xisbiyada iyo Doorashooyinka iyo qodobo kale.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto ayaa sheegay inay muhiim tahay inay wada-hadlaan saamileyda Siyaasada Soomaaliya si Soomaaliya u gaarto horumar ballaaran.