Wasaaradda Gaashaandhigga oo War saxaafadeed ka soo saartay howl gallo ka dhacay Jubadda Dhexe

0
857

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa goor dhow war saxaafadeed ka soo saaray howl gallo qorsheysan oo Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Kumaandooska loo yaqaano Danab ka fuliyeen Jubadda Dhexe.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in howl gallada laga sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Jubadda Dhexe, sida Sunguuni, Jilib iyo Saakow.

Howl galka hore ayay sheegtay in laga sameeyeen deegaanka Sunguuni, halkaasoo lagu bur buriyay saldhig Al-Shabaab ku laheyd iyo koontarool ay lacago ku qaadaan, waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in deegaanka Sunguni uu yahay mid istiraatiiji ah oo dhanka waqooyi ka xiga Wabiga Jubba

Sidoo kale howgalka laga sameeyey Degmada Jilib, gaar ahaan tuuladda hargeysa yareey ayaa lagu gubay Gaadidka dagaalka waxaana lagu dilay tiro maleshiyaad ah oo ka tirsan Al-Shabaab sida lagu yiri War saxaafadeedka.

Howl galkan oo ahaa mid is daba jog ah ayaa lag sameeyayay degmada Saakow, halkaasoo saldhig weyn ku leeyihiin Al-Shabaab.

“Howl galka Saakow waxaa lagu dilay Sarkaal muhiim ah, dib ayaa laga soo faah faahin doonaa, waxaa lagu soo qabtay Hub iyo saanad ciidan”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameedsanayo Al-shabaab, iyadoo maantana aysan jirin goob ay kalsooni ku joogaan oo mar walba weeraro qorsheysan lagu qaadi doona dalkana laga sifeynayo.

 

Warar maalmihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa sheegayay in howl gallo ay iska kaashadeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka lagu dilay saraakiil muhiim ah, waxaana Wakaalada wararka ee Shiinaha Xinhua oo soo xiganeysay saraakiil ka tirsan dowladda ay sheegtay inay u badan tahay in weerarkaas lagu dilay Hoggaamiyaha Al-Shabaab Abuu Cubeyda.

Ma jirto illaa iyo hada warar rasmi ah oo xaqiijin kara oo ka soo baxay Mareykanka, dowladda Soomaaliya, sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay illaa iyo hada Al-Shabaab oo la xirira wararka isa soo taraya ee ku aadan duqeymaha iyo howl galada ka dhacay Jubadda Dhexe.