2; wiil oo Somali ah oo lagu dilay Koofur Afrik

0
646

Dalka Koofur Afrika waxaa lagu dilay labo wiil oo Soomaali ah kuwaas oo dukaan Ganacsi ku lahaa Magaalada Johansburge ee  dalka Koofur Afrika.

Wiilashan ayaa geeriyooday kaddib markii xilli Habeen ah iyaga oo jiifa Dukaankii ay ku jireen dab la qabadsiiyay halkaasna ay ku dhinteen kaddib markii ay waayeen gargaar .

Wiilashan ayaa ka hor dilkooda waxaa ay iska caabiyeen burcad koofur Afrikaan ah oo isku dayay in ay dukaankooda dhacaan sidoo kalena dilaan,waxaana ay isaga difaaceen hub ay heysteen.

Kooxdii Burcadka ahayd aya adib u weerartay wiilasha markii ay seexdeen waxaananay dab qabadsiiyeen hareeraha Dukaanka kaas oo ku fiday isla dukaanka oo ay ku jireen labada wiil.

Dilalka Soomaaliya Koofur AFrik ayaa soo badanaya iyada oo dilkii ugu dambeeyay ee kan ka horreeyay lagu dilay Mustaf Nuur Axmed oo ahaa wade gaari,kaas oo gaarigiisa lagu dhextoogtay.

Dowladda Koofur Afrika inta badan ma dabagasho dilalka lagu hayo dadka Soomaalida ah,waxaana dhibaato joogta ah ay ku heysataa Waddanka Koofur Afrika.

Dilalkan ayaa waxaa geysta kooxo burcad Koofur Afrikaan ah oo diidday Ganacsiga ajanabiga gudaha Koofur Afrika iyo Ganacsatda Ajannabiga ah dhexdooda oo mararka qaar burcad isu adeegsada.