Wafdi ka socda Dowladda oo gaarey deegaano lagu dagaalamay

0
512

Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray deegaanadii ay ka taagnaayeen colaad beeleedyada ee Towfiiq iyo Af-barwaaqo oo ka wada tirsan gobolka Mudug.

Ujeedada Mas’uuliyiintan ay u gaareen deegaanadaas ayaa waxay tahay ka shaqeynta dhammeystirka heshiiskii ay wada gaareen beelaha halkaas ku dagaalamay iyo sidii Bulshada deegaanada Towfiiq iyo Af-barwaaqo ugu wada noolaan lahaayeen nabad iyo walaalnimo.

Rooble Daahir oo ka mid ah mas’uuliyiinta ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay iney rajeynayaan inuu mira dhalo heshiiska iyo dadaalkii taliska ciidamada xoogga dalka ay ku bixiyeen sidii loo joojin lahaa colaada loogana heshiisnaa is-faham-waaga jira.

Wuxuu xusay in Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ay markasta u taagan tahay sidii loo xalin lahaa colaadaha iyo dagaalada ragaadiyay Bulshada ku nool Af-barwaaqo iyo Towfiiq oo ka tirsan gobolka Mudug.