Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa Maanta oo Axad ah ka furmay Shir looga hadlayo sidii loo amba-qaadi lahaa wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland,waxaana ka qeyb-galaya waxgarad matalaya Somaliland iyo gudiga wadahadalka Soomaliya iyo Somaliland ee uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.
Xubnaha ka qeyb-galaya Shirka ayaa waxa ay soo jeedinayaan talooyin badan oo ku aadan sidii wada-hadalladaas loo amba-qaadi lahaa.
Afartii sano ee la soo dhaafay ayaanan qabsoomin wadahdallo u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland,waxaana fashilmay isku dayo dhowr ah oo la sameeyey oo garwadeen ka aheyd Dowladda turkiga.