Waxaa Goordhow furmay kulanka aan caadiga aheyn ee Golaah Shacabka,kaas oo su,aalo lagu weeydiinayo Wasiiradda Caafimaadka iyo Gargaarka iyo ka hortagga masiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya.
Kulanka waxaa shir guddoominayo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Galaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Shiekh Muudeey, sidoo kale waxaa kulanka goob joog ah guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.
Ajendaha kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay, Xog Wareysiga Wasiirka Caafimaadka iyo Xog Wareysiga Wasiirka Gargaarka & ka Hortaga Masiibooyinka Soomaaliya.
Xildhibaannada ayaa haatan bilaabey su’aalo weeydiinta Xubnaha Golaha wasiirada,waxaana la filayaa in Wasiirada ay Su’aalaha ka jawaabaan.