Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ay tagaan Gobolka ay Puntland u taqaano Gardafuu halkaas oo uu dhawaan ka da’ay Roob dabeylo watay.
Wafdigana oo ay qeyb ka yihiin Guddi gurmad ah oo Madaxweyne kuxigeenka uu u Magacaabey inay ka qeyb qaataan Gurmadka dadka ku nool Gobolka Gardafuu oo uu samaayeyn ballaaran ku yeeshay Roobkii ka da’ay.
Wafdiga ayaa safar dhinaca Cirka ah waxaa ay ku tegi doonaan Gobolkaas maadaama wadooyinkii loo mareyey uu Roobka jaray sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.
Guddiga gurmadka fatahaadaha oo uu hoggaaminayo Madaxwyene kuxigeenka Puntland ayaa waxaa ay gurmad kala duwan gaar siin doonaan dadka ku nool Gobolka Gardafuu maadaama Gobolkaas uu go’doon yahay,isla markaana aysan galeyn wax Gaadiid ah.