Dowladda Soomaaliya oo maanta Shir ka fureysa Kismaayo

0
466

Saacadaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee maamulka Jubbaland uu ka furmo Shir looga hadlaayo hanaanka Maaliyadda Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda.

Shirkaan ayaa waxaa si wadajir ah u furi doonaa Madaxda maamulka Jubbaland iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.

Magaalada Kismaayo ayaa xalay waxaa ku hoyday dhammaan Wasiirka maamul goboleedyada dalka ka jira iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.

Shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo heer wasiiro ah oo lagu qabto magaalada Kismaayo tan iyo markii dib loo doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dowladda Soomaaliya ay qaadacday dib u doorashadiisa.