Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

0
454

Ciidamada xooga dalka ayaa Maanta waxaa ay howlgal ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, iyaga oo Al-Shabaab kala wareegay Tuulada geelgub oo qiyaastii 20 km u jirta degmada cadalle oo ay ku sugnaayeen.

Howgaladaan oo ah kuwa lagu sugayey ammaanka deegaanadaasi ayaa waxaa hogaaminayay Taliye ku xigeenka ciidamada xooga dalka sareeye guuto Maxamed Cali Bariise ,waxaana uu sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayeen dadka deegaanka.

Taliye kuxigeenka ayaa dhawaan waxaa uu kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Cadale iyo Ciidamo ka tirsan Kooxda macawiisleey oo ah Shacab is abaabulay oo dagaal kula jira Al-Shabaab.