Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo Kismaayo kulan kula qaatay wafdi ka socday Beesha Caalamka ayaa sheegay in Dastuurka dalka ay Dowlada Federaalku ka gaabisay in la dhamaystiro taas oo ay ka dhasheen khilaafyo ay ahayd in lagu dhex xaliyo dastuurka.
Waxaa uu sheegay in qaabka hadda ay u socoto dib u eegista Dastuurka aysan ahayn sidii loo baahna iyadoo aan laga qayb-galin xubnahii Dowlad Goboleedyadu ay xaqa u lahayeen.
Arimaha Doorashooyinka 2020 ayuu Madaxweynahu sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo oo cid gaar ah aanay danaheeda ka dhex raadin si gaar ahna Madaxweynahu wuxuu xusay in Doorasho qof iyo cod ah aanay dalka ka dhici Karin iyadoo aan la samayn tiro koob sax ah Dhamaystirka Dastuurka Arimaha amaanka iyo wada hadalada Soomaaliland.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in arrimahaas oo dhan aan wali wax wanaagsna laga qaban oo saamaxaya in dadku ay codeeyaan iyadoo amniga dalku uu meel adag marayo sidoo kalana ay muhiim tahay in nooca doorashada ay heshiis ka gaaran Dowlada Federaalka Dowladaha xubnaha ka ah iyo saamileeyda siyaasada dalka.