QM oo ku tilmaamtay Xaaladda Jubbaland Mid aan weli deganeyn

0
460

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa maanta booqasho ku tagay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Booqashadda Swan ayaa timid xilli dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland labaddaba ay si weyn uga soo horjeesteen dib u doorashadii Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Swan ayaa sheegay in wali Xaaladda Siyaasadeed ee Jubbaland aysan degneyn laakiin Jubbaland wali heysato door ay kaga muuqan karto Fagaarashayeyaasha dowladda dhexe ee Soomaaliya ee doorashada soo socota.

“Inkastoo xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland ay tahay weli mid aan deganeyn, haddana Jubbaland iyo shacabkeeda waxa ay leeyhihiin door ay ka qaataan ku guuleysiga hadafyada 2020, ma rajeyneyno in aragtiyadooda la iska indha-tiro,” ayuu yiri Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Booqashadda kuu tagay Kismaayo Swan ayaa waxaa  ku wehliyay xubno ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD.