Al-Shabaab oo weeraray degmada Balcad iyo dagaal ka dhacay

0
466

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar culus oo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay saakay ku qaadeen Bar Koontorool oo Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ku leeihiin degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Koontoroolka la weeraray ayaa waxaa uu ku yaallaa Galbeedka degmada Balcad halka laga soo galo gaar ahaan  wadada aada  Biyo Xireenka waxaana halkaasi  ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Millateriga iyo Nin Shacab ah oo caanka ahaa degmada Balcad kaas oo lagu Magacaabi jiray Axmed Ganeey.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidada la weeraray ay maalma ka hor Koontoroolkaas soo dageen, iyaga oo ka yimid dhinaca Haansheekh ee Tuulada  Gololeey oo ay Saldhigyo ku lahaayeen.

Maamulka degmada Balcad iyo Saraakiisha Ciidamada weli kama hadlin weerarka Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku qaadeen Koontorool ku yaalla degmada Balcad,hayeeshee Al-Shabaab ayaa Warar ay ku daabaceen Baraha Internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay weerarkaas ku dileen Saddex Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Balcad ayaa waxa ay sheegayaan in xaakay xaaladu ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Millateri.