Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan mnaleeshiyo Beeleed hubeysan oo Maanta weerar ku qaaday Xarunta ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Galmudug oo ku taalla deegaanka Godinlabe.
Xilliga uu weerarka dhacayay ayaa Goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in Goobta ay ka socotay qeybinta deeq raashin mucaawino ah,waxaana halkaasi uu dagaal ku dhex-maray Ciidamo Booliska ah oo deegaanka ku sugan iyo maleeshiyaadka weerar ku qaaday.
Inta la xaqiijiyey ilaa Saddex ruux oo dhinacuada dagaalamay ah ayaa dhaawacmay,kuwaas oo la geeyey Isbitaalka deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.
Wararka haatan naga soo gaaraya deegaanka Godinlabe ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana amaleeshiyaadkii weerarka kusoo qaaday ay dib u laabteen.
Mas’uuliyiinta deegaanka Godinlabe iyo laamaha Amniga deegaankaas weli kama hadlin dagaalka Maanta halkaasi ku dhex-marey maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidamada Booliska deegaankaas.