Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb oo si weyn loo adkeeyay

0
555

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegayaan in Caawa si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Dhuusamareeb.

Ciidanka Booliska ayaa galabtay howlgallo ka bilaabay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Wararka ay qaar ay sheegayaan in taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya uu amray in la adkeeyo Ammaanka Magaalada, Maadaama halkaasi ka socoto qaban qabadda dhismaha maamulka Galmudug.

Ciidamada Amaanka Dhuusamareeb ayaa ku guulaystay maanta inay Gacanta ku soo dhigaan Waxyaabaha Qarxa ka dib howlgal ay ka fuliyeen Xaafaddaha Magaalada.

Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb Gaashaanle C/lahi Xassan Macallin ayaa ku sheegay inay ku raad joogaan Cidii ka dambeeyey waxyaabahan lala rabay in Shacabka lagu dhibaateeyo.

Taliyaha ma sheegin inay jiraan dad howlgalkaas lagu soo qabtay,hayeeshee uu sheegay in weli Ciidamada ay howlgallo kale ka wadaan Xaafadaha Magaalada dhuusamareeb.