Xuska Maalinta caalamiga ah ee ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka dilaaga ah ee Cagaarshowga (World hepatits Day) oo sanad kasta la xuso 28-ka July ayaa shalay gelinkii dambe lagu qabtay xarunta kuliyadda Sayniska iyo teknolojiyada Jaamacadda Ummadda ee magaaladda Muqdisho, waxaana munaasabadan lagu soo beegay tababar bishiiba mar loo qabto ardayda wax ka barata kuliyadaha caafimaadka ee 12 Jaamacadood oo Xamar ku yaalla.
Munaasabadan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Ururka ardayda dhaqaatiirta Soomaaliyeed (SOMSA), iyadoo halku dhega sanadkan ee cudurkan uu yahay Ciribtirka Cudurka Cagaarshowga (Eliminate Hepatitis).
Aqoonyahano, boqolaal ka tirsan ardayda Jaamacadaha qaarkood, masuuliyiin kala duwan iyo xubno ka socday qeybaha bulshada ayaa ka qeyb galay munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay.
Ku-simaha gudoomiyaha, ahna guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda ummadda oo munaasabadaas ka hadlay ayaa xarunta Jaamacadda ku soo dhoweeyey dhamaan ka qeyb galayaashii munaasabadan, isagoo dhinaca kale ku bogaadiyey Prof. Dufle iyo dhaqaatiirta kale ee Soomaaliyeed sida ay mar walba isaga xilsaaraan sidii ay bulshada uga wacyi gelin lahaayeen cudurada halista ah.
Waxaa sidoo kale munaasabadaas ka hadlay guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo sheegay in dhaqaatiirta Soomaaliyeed uu waajib ka saaran yahay sidii ay bulshadooda uga wacyi gelin lahaayeen cudurada halista ah.
“Cudurka Cagaarshowga waa cudur dilaa ah, Soomaaliyana waxay ka mid tahay meelaha ugu badan ee lagu arko mar walba, waxaan u mahad celinayaa Prof. Dufle oo soddonkii sano ee ugu dambeeyey soo waday wacyi gelinta cudurkan si weyna ugu dedaalay sidii bulshada loogu baraarujin lahaa ka hortagiisa” ayuu yiri Dr. Dalmar.
Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ahna Senator ka tirsan guddiga adeega bulshada aqalka sare ee baarlamanka Somalia oo munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in cudurkan uu faro ba’an ku hayo bulshooyinka caalamka, ayna sanad walba u dhintaan malaayiin qof oo intooda badan ku nool dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika, Koonfur bari Aasiya iyo Latin Amerika, isagoo xusay in qorshuhu yahay cudurkan in laga ciribtiro aduunyada ugu dambeyn sanadka 2030-ka.
“Cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan, sidaas darteed sanad kasta 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkan halista ah oo sida amusan wax u dila (Silent Killer)” ayuu yiri Dr Dufle oo intaa ku daray in cudurka cagaarshowga ay keenaan feyrusyo kala duwan oo burbur iyo dhaawac u geysta unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaasoo uu sheegay iney ka mid yihiin Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.
Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV) ayuu sheegay Prof. Dufle inuu yahay nooca ugu badan, uuna sanadkii ku dhaco tiro dhan 1.4 milyan oo ruux, isagoo xusay inuu ku badan yahay caruurta iyo dadka waaweyn, wuxuuna tilmaamay in cudurkan uu mararka qaarkood dadka ugu dhaco hab saf mareen ah (Outbreak).
“Wuxuu ku badan yahay Cagaarshowgu goobaha nadaafadoodu hooseyso dad badan ay ku noolyihiin sida xeryaha qaxootiga IWM, Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacmaha ka dib marka la cuno cunto, khudrad, miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro” ayuu intaa ku daray Prof. Dufle oo dhinaca kale ku dheeraaday calaamadaha cudurka iyo sida ugu haboon ee looga hortago, loona daweeyo.
Mar uu ka hadlayey Soomaaliya ayuu sheegay Prof. Dufle inuu aad ugu badan yahay cudurkan ayna ka jiraan dhaqamo hore iyo dhibaatooyin kale oo gacan ka geysanaya in cudurka cagaarshowga uu maalin walba soo rito dad cusub, isagoo bulshada ugu baaqay iney ka fogaadaan isticmaalka Cirbad lagu duray qof jiran, qalabka ama Sakiinta Gar xiirka, madax xiirka oo wadar loo isticmaalo, galmada lala sameeyo qof cudurka qaba, daawo dhaqameedka sida: Dalqa goynta, qun goynta, ilka bixinta, gudniinka fircooniga, gudniinka ragga si wadajir ah, dhalmo dhaqameedka, sarsarmada, toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalo aan la jeermi dilin cudurkana sii faafin kara.
Prof. Dufle ayaa si hufan uga jawaabay su’aalo ku saabsan cudurkan oo ay weydiiyeen qaar ka mid ah ardayda ka soo qeyb gashay Munaasabadan.
Guddoomiyaha ururka Ururka dhaqaatiirta ardayda Soomaaliyeed C/llaahi Maxamuud Tuuryare oo gebagebadii munaasabadaas ka hadlay ayaa u mahad celiyey Prof. Dufle, ardayda ka faa’iideystay casharkan iyo martida kala soo qeyb gashay intaba, wuxuuna xusay in ururka SOMSA uu mar walba qabto tababaro si kor loogu qaado aqoonta ardayda Soomaaliyeed ee ku howlan barashada Caafimaadka.
Munaasabadan oo ku soo gebagebowday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa ka mid ahaa xubnihii ka hadlay Dr. Maxamed Yuusuf oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda Banaadir iyo xubno kale, waxaana xusid mudan in Dr. Cawaale oo ka mid ahaa dufcadii ugu horeysay ee ka qelin jebisay kuliyadda Caafimaadka ee jaamacada Banaadir uu halkaas ku soo bandhigay Talaal loogu talo galay cudurka Cagaarshowga kaasoo markiiba la siiyey qaar ka mid ahaa ardaydii goob jooga aheyd qaarkood.
Ugu dambeyn masuuliyiinta goob jooga ka aheyd xuskan ayaa shahaadooyin uu bixiyey ururka SOMSA waxay guddoonsiiyeen ardayda ka faa’ideysatay dhegeysiga casharka ku saabsanaa Cagaarshowga waxayna munaasabadaas ku dhamaatay jawi farxadeed.