Ciidanka xoogga dalka oo dadaallo nabadeed ka wadda degaanka Towfiiq

0
477

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale oo la socota ayaa dadaallo nabadeed waxa ay ka bilaabeen degaanka Towfiiq ee gobolka Mudug oo ay gaareen Shalay Gelinkii dambe.

Taliska Ciidanka qeybta 21-aad ayaa ku guuleystay in ay joojiyaan dagaal ay ku dhinteen dad badan oo ka dhacay degaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo.

Saraakiisha Ciidanka ayaa xalay kulamo kala duwan kula yeeshay degaanka Towfiiq qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka oo ay kala hadleen sidii loo joojin lahaa dagaalka.

Waxa ay sheegeen in aan la aqbali doonin Saraakiisha Ciidanka in dagaal beeleed uu ka dhaco degaanada Bariga gobolka Mudug, islamarkaana ay diyaarinayaan Jawi Nabadeed oo ay ku kulmi karaan Odayaasha labadda dhinac.

Ku dhawaad 50 ruux ayaa ku dhimatay dagaal beeleed bariga gobolka Mudug, waxaana Maleeshiyaadka dagaallamay ay kasoo kala jeeddan maamulada Puntland iyo Galmudug.