Faafihino dheeraada ayaaa kaaso baxaya qarax aad uxoogan oo shalayu galinkii danbe Kadhacay inta udhaxaysa dabagalo iyo miliqo oo hoos imaada dagmada xaradheere ee koonfurta mudug .
Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid gaari laga Farsamaynayay, waxaana uu qarxay xili Ay Gacanta Kuhayeen Koox La iisheegay inay ahaayeen farsamo yaqaano diyaarinayay gaariga qaraxa lagu rakibayay Deegaanka Gaariga Kuqarxay Oo Ah Inta Udhaxaysa Dabagalo iyo Miliqo oo qiyaastii 55-KM u jira Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug. Ayaa ah deegaan ay maamulaan alshabaab
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay arkayeen Uuro madow oo cirka isku shareertay, taasi oo ka baxeysay gaariga qarxay oo noociisu lagu tilmaamay inuu ahaa Leylo Calaawi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu Khasaaro kasoo gaaray dadkii Diyaarinayay Qaraxa Waxaana Loobadinayaa Inay Dhamaatood Kugeeriyoodeen halkaas , in kastoo aan la sheegin tirada dadka la Goobta Joogay Hadana Qaar Kamid Ah Dadka Deegaanka oo aan lahadlay waxay ii sheegeen inay arkayaa xubno katirsan alshaaba oo igagu kumashquulsan diyaarinta gaari kuwaas oo aysan ii sheegin tiradooda.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Gobolka Mudug oo ku aadan qaraxaas ka dhacay, waxaana uu kusoo aadaya, iyadoo habeeno kahor qarax khasaaro geystay uu ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.