Xildhibaan Xasan Yare ”Ma aqbali karno muddo kororsi”

0
533

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa wali sii wadda ka doodida Sharciga doorashooyinka ee ay soo diyaariyeen Guddiga baarlamaanka Soomaaliya ee loo xilsaaray doorashadda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dooneyso Muddo kororsi, islamarkaana aysan aqbali doonin Golaha Shacabka.

Xildhibaan Xasan Yare oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in haddii dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay isku daydo Muddo kororsi in dalka ay Fowdo ka dhici doonto.

Xildhibaanka ayaa xusay in loo baahan yahay in Sharciga doorashooyinka ee horyaalla baarlamaanka la dedejiyo si loo xaqiijiyo in doorashadda ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.

Xildhibaan Xasan Yare ayaa yiri ”Ma aqbali karno muddo kororsi”