Diyaarado dagaal oo la aaminsan yahay inay leeyihiin ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay duqeyn ka gaysteen degaano dhaca duleedka Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Wararka laga helayo Gedo, ayaa ku waramaya duqeynta diyaaradaha inay la beegsadeen degaanka Kulmis oo dhaca duleedka Degmada Garbahaarey, halkaasi oo Shabaab ay ku leeyihiin Saldhig ciidan.
Duqeyntaan oo xalay dhacday ayaa wararka waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamada Kenya xogo ay heleen, kadib ay u suuragelisay inay duqeeyaan Saldhigaasi Shabaab ay lahaayeen degaanka Kulmis.
Illaa hadda ma jirto cid ka warami karta xadiga khasaaraha ka dhashay duqeynta, balse dadka Magaalada Garbahaarey, ayaa sheegayay inay maqlayeen jugta duqeynta xalay.
Saraakiisha ciidamada Dowladd ayaa sheegay inay faah-faahinta la xiriirta duqeynta ka dhacday duleedka Garbahaarey Warbaahinta ka sheegi doonaan, marka ay soo aruuriyaan macluumaadka.