Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan & Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Amb, francisco Madeira.
Kulanka ayaa waxaa ku wehlinayey Wakiil ka socday kooxda Copenhagen (C6+), iyaga oo ka wada hadlay diyaar garowga ammaan iyo sida loo xaqiijin karo doorasho si ammaan ah uga dhacda dalka Soomaaliya.
Kooxda (C6+) ayaa ka kooban Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD,kuwaas oo dhamaantood taageera siiya Soomaaliya.
Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan & Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Amb, francisco Madeira ayaa waxaa ay horay ula kulmeen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,iyaga oo ugu baaqay in la dardar geliyo ansixinta Sharciga doorashooyinka Qaranka.