Dhageyso:-Dowladda oo sheegtay in Ciidamo u direyso Maleeshiyaadka dagaalamaya

0
469

Dagaal ayaa saakay markale waxaa uu ka dhacay deegaano hoostaga degmooyinka Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee Bariga Gobolka Mudug,waxaana markale si kulul dagaalkaas uga hadlay dowladda Soomaaliya.

War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay aad uga xun tahay dagaalkaas,isla markaana loogu baaqayo Maleeshiyaadka inay dagaalka joojiyaan.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Muqtaar Oronjo oo Akhriyey War-Saxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan marnaba aqbaleyn in si fudud loo daadiyo dhiiga Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya ay Ciidamo kala dhex-gala u direyso maleeshiyaadka dagaalamaya,sidoo kale Maxkamad lala tiigsan doono dadka ku lugta leh dagaalkaas.

Dagaal Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay Bariga Gobolka Mudug ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 15 ruux halka dagaalkii Maanta ay ku geeriyoodeen 5 Ruux oo labada dhinac ah.