Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Cabdullaahi oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa saqdii dhexe ee xalay gaaray Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qata.
Wafdigan Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, waxaana Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah Xamad ee Qatar kusoo dhaweeyay Golaha Shuurada Qatar iyo Safiirka Soomaaliya ee dalkaas.
Ujeedka Qatar ee Wafdiga ka socda dowladda Federaalka uuna hogaaminay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka ayaa ah sidii ay halkaas uga qeyb geli lahaayeen shirka 7aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka ee ka hortagista Musuq-maasuqa.
Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb geli doona Madaxda Baarlamaannada Adduunka, kaasi oo furmi doona Maanta oo ay taariikhdu ku beegsan tahay 9-ka Bisha, waxaana lasoo gaba-gabeyn doonaa Maalinta berri ah.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda ka qeyb galeysa Shirka, iyagoona ka wada hadli doona Qodobo kala duwan.