Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay G/Hiiraan

0
488

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federalka Soomaaliya iyo Dagaalamayaaasha Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa uu yimid kadib markii rag ka tirsan Al-shabaab ay weerar dhaba-gal ah ay ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda oo ku socdaalayay inta u dhexeeysa tuulooyinka Butaale iyo Habiino oo dhammaantood hoos yimaad Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Intaasi kadib ayaa waxaa halkaas ka dhacay dagaal qaatay muddo saacad ah oo lagu isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa Hirshabeelle kama aysan hadli dagaalkii  ka dhacay inta u dhexeeysa tuulooyinka Butaale iyo Habiino oo hoos yimaad Degmada Maxaas.

Dhinaca kale War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay uga hadleen dagaalkii ka dhacay halkaas, iyagoona sheegay in dagaalka ay kula wareegeen gaari nooca Soomaalida u taqaano BG.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa intaas ku daraya in dagaalka ay ku dileen 4 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda, iyagoona xusay in dagaalka ay ku qabsadeen saanado hub ah waxaana kamid ah sedax qori AK47 ah, hayeeshee mana jiro Ilo Madax banaan oo xaqiijinaya Warkaas.