Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa faahfaahin ka bixiyay roobab dabeylo wata oo Saacaddihii lasoo dhaafay ka da’ay degaanada maamulka Somaliland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Khasaare Nafeed iyo mid Hantiyadeed ay sababeen roobabka ka socda degaanada maamulka Somaliland,islamarkaana ay waddaan gurmadyo kala duwan.
Waxaa uu xaqiijiyay dhimashadda hal qof oo ku dhintay gobolka Sanaag, waxaana uu sheegay in sidoo kale jiraan Wadooyin burburay.
Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu guud ahaanba bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenka ah, si ay badqabkooda u sugaan, isaga oo wadayaasha gaadiidkana faray inay ka feejignaadaan dhibka roobabka.
Degaano ka tirsan maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay roobab mahiigaan dabeylo watay, kaasoo saababay daadad xooggan oo ku soo rogmaday qaar ka mid ah waddooyinka waa weyn ee deegannada maamuladaasi, taasi oo sababtay in uu hakad galo isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.