QM oo soo dhoweysay ansixinta madaxweyne Xasan Sheekh ee Guddiga Ilaalinta xuquuqda aadanaha

0
834

Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka oo uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somaliya Danjire Michael Keating ayaa  sheegay inuu sharcigaan inuu awood u siinaayo dowladda Somaliya ilaalinta xuquuqda Aadanaha iyo ka hortagga tacadiyada lagu la kaco qaybaha Bulshada.

“Waa war ay ku farxaan Somalida, waxaan ugu hambalyeynaa dowladda iyo hay’adaha bulshada rayidka ah halkan ay gaareen si loo xushmeeyo xuquuqda aadanaha.” ayuu yiri Michael Keating.

Danjiraha Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya ayaa ku ammaanay Wasaarada Haweenka dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixisay sidii Madaxweynaha Somaliya uu ku saxiixi lahaa sharcigaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka.