Golaha Shacabka Oo Maanta Markale Ka Doodaya Sharciga Doorashooyinka

0
467

Waxaa Maanta oo Sabti ah lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yeelanayan Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 7-da Bisha Bisha December, ayaa Ajendihiisu waxa uu yahay sii-wadida dooda Akhrinta labaad ee Sharciga Doorashooyinka Qarank oo dhawaan Xildhibaanada loo qeybiyay.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa hadda ka socda diyaar garow ku aadan sidii uu kulanka u furmi lahaa, waxaana kasoo qeyb galaya inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka Maanta.

Todobaadkii la soo dhaafay Xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay Akhrinta ee koowaad ee Sharciga Doorashooyinka Qaran, kaasi oo ay soo Diyaariyeen Guddiga Doorashooyinka ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.