DAAWO SAWIRRADA: Lacago badan oo lagu soo bandhigay Baledweyne

0
621

Ganacsatada Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan , ayaa soo bandhigay lacagtii Shilin Somaliga ee dhawaan laga joojiyay in laga isticmaalo suuqyadda Magaalada Baledweyne.

Kulan ka dhacay Magaalada Baledweyne oo ay ka qeyb galeen Madax ka tirsan maamulka Hirshabeelle sida Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Wasiiro ayay kusoo bandhigeen lacagahaasi oo ay sheegeen in ay kala kulmeen dhibaato xooggan.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo ka hadlay kulanka, ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay ka doonayaan magdhaw, maadaama lacagta faalsada ah ay ka timid deganada Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo Ganacsatadda gobolka Hiiraan.

Dhawaan Magaalada Baledweyne ayaa waxaa ka dhacay Sicir barar xooggan kadib lacagta Shilinka Soomaaliga laga diiday qeybo badan oo ka mid ah gobolka Hiiraan.