Madaxweyne Laftagareen iyo Odayaasha dhaqanka oo ka shiray dhimista Xildhibaanada

0
462

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa kullan laqaatey Odeyaasha Dhaqanka Koonfur galbeed.

Kulanka Waxaa lagu gorfeyey Soo Xulista Xildhibaanada iyo Dardar gelinta is waa fajinta xildhibanada iyo Datuurka KGS oo ku xusan in Xildhibaanada Barlamanka Koonfur Galbeed laga dhigo 95 Xildhibaan meesha hadda ay kayihiin 149 mudane

Malaaq Deerow Yacquub Ali Afhayeenka Odeyaasha Dhaqanka koonfur Galbeed ayaa ka warbixiyey Muhiimada kulanka iyo Waxyaabihii looga hadlay, Waxaana uu sheegay in Madaxweynaha uu codsaday in hoos loo dhigo tirada xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in la waddo dadaallo lagu qancinaayo beelaha qaar oo arintaasi si weyn uga soo horjeedda.