Madaxa Sarkaal Shabaab ka tirsan oo la dul dhigay $5 Milyan

0
519

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Madaxa Sarkaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay saartay $5 Milyan oo doollar oo la siin doona cidii keenta xog sahlikarta in gacanta lagu dhigo Ama la dilo.

Ninkaan ayaa lagu Magacabaa Jehad Serwan Mostafa oo u dhashay Dalka Mareykanka.

Dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in sarkaalkaasi uu abaabulay Weeraro badan oo ka dhacay Kenya iyo Soomaaliya, islamarkaana uu ka mid yahay Shaqsiyaad Khatarta ku ah Ammaanka Afrika.

Dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay Jehad Serwan Mostafa in uu yahay Shaqsiga kaliyah ee u dhashay Mareykanka ee ugu sarreeya Al-qaacida iyo Al-Shabaab Muwaadininiinta Mareykanka ee ku jira.

Jehad Serwan Mostafa ayaa Al-shabaab ku biiray sanadkii 2006dii lana dagaallamay Ciidamadii Itoobiya ee isla sanadkaas faragelinta ku sameeyay Soomaaliya.