Booliska Mombasa oo gacanta ku dhigay kooxo qorsheynayay inay weeraro geystaan

0
943

Ciidamada Booliska magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay 4 ruux looga shakiyay inay qorsheynayeen inay geystaan weeraro, inta lgu guda jiro dabaal dega maalmaha Ciida ee nagu soo fool leh.

Raggan la soo qabtay ayaa lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, waxaana laga soo qabtay Tuulo lagu magacaabo VOI oo ka tirsan magaalada Mombasa.

Ragga la qabtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Yayha Salim Bakari oo macalin ka ahaa masaajid, Julius Mwandenzi oo lagu naaneeso Zinde iyo Abdallah Ramadhan.

Sidoo kale ninka afaraad oo lagu magacaabo Mohamed Anguzo ayaa lagu xiray magaalada Nairobi, iyadoo aan wali ninkan loo soo duulin Mombasa, si uu u wajahayo maxkamad.

Wargeyska The Star oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan dalka Kenya ayaa sheegay in raggaasi ay horay u askareeyeen dhalinyaro da’dooda u dhaxayso 16 ilaa 17 sano, kuwaasoo ku biiray Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee Kenya ayaa todobaadyadii u dambeeyay howl gallo ka waday magaalooyinka waa weyn ee dalka Kenya.