Dowladda Soomaaliya oo dalka eriday Madaxii Hey’adda FAO (Dhageyso)

0
657

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay in dalka laga saaro madaxa Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loo yaqaano FAO Mr Richard Trichard.

Richard Trichard ayey dowladdu ku eedeysay inuu gaystay dhaqan ka baxsan xirfadda oo meel uga dhacaysa heybaddii iyo sharaftii wakiilnimo ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Qaramada Midobay ayaa VOA u sheegay inay socdaan wadahadallo u dhexeeya dawladda iyo madaxda Qaramada Midobay oo arrintan lagu xallinayo.