Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Soomaaliland ay saaka Xabsiga dhigeen Sagaal Nin oo u dhalatay Wadanka isutaga Imaaraadka carabta,kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen ugaarsato.
Raggaan ayaa laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa,iyaga oo ku wajahnaa wadanka Imaaraadka,waxaana Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliland ay sheegeen in raggaan u dhashay Imaaraadka Carabta ay si sharci darro ah uga ugaar sanayeen deegaannada Soomaaliland
Agaasimaha Duur joogta ee Wasaaradda Deegaanka Soomaaliland Naasir Xuseen ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey xariga Sagaalka Nin ee u dhashay wadanka Imaaraadka Carabta e sida sharci darrada ah uga ugaarsanayey deegaano ka tirsan Soomaaliland,kuwaas oo uu sheegay in sharciga la marsiin doono.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in raggaan la qabtay ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen deegaan lagu Magacaabo Sabo-wanaag oo ka tirsan gobolka maroodi-jeex ee Soomaaliland oo ay sheegeen inay mashaariic ka fulinayaan,hayeeshee dadweynaha deegaankaas ay sheegeen inay wadeen howlo ugaarsi ah,sidaasina lagu xiray.
Soomaaliland ayaa horay deegaannadeeda waxaa ay uga erisay Kalluumeysato iyo Shaqaalo Ajnabi ah,kuwaas oo ay sheegeen in si sharci darro ah ay ku joogeen deegaannada Soomaaliland,iyaga oo sidoo kale ku amray Ajaanibta ku sugan inay isa-soo diiwaan geliyaan.